Duqa Muqdisho oo sheegay in dad badan Muqdisho ugu dhinteen Coronavirus

Published: April 8, 2020

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa ka digay khatarta cudurka Coronavirus, isagoo ugu baaqay shacabka in aysan fududeysan cudurka Coronavirus oo ah cudur halis ah oo adduunka oo dhan saameeyay.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu ku jiro cudurkan, waliba dad uu garanayo ay u dhinteen, qaarna ay u ildaran yihiin, waxaana uu ugu baaqay dadweynaha inay qaataan talooyinkii la siiyay.

“Runtii magaalada Muqdisho waxaa laga yaabaa dadka in aysan ka warqabin, waa soo gaaray cudurkaas, dad badan ayaa la ildaran, qaar waa u dhintey oo aan aniga garanayo, sidaas darteed talooyinka dhaqaatirita bixinayaan waa in la qaato ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay inay nasiib darro iyo niyad jab tahay in dadka ay u heystaan cudurkaas inuu been iyo waxba kama jiraan yahay.

Hadalka Guddoomiyuhu uu ku sheegay in dad badan u dhinteen cudurka ayaa ka duwan qoraalkii Wasaaradda Caafimaadka ayaa shalay ku xaqiijisay in hal qof uu u dhintay cudurka Coronavirus, kaasoo ahaa nin 58 jir ah oo maalmihii u dambeeyay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *