Sanaag Oo laga Sameeyay Goobo loogu Talo galay Dadka uu soo rito Covid19

Published: April 9, 2020

Guddida u diyaargarawga iyo ka hortagga xannuunka Corona Virus ee gobolka Sanaag ayaa sheegay inay diyaariyeen goobihii lagu karantiimayn lahaa haddii gobolkaas lagu arko cid uu soo ritay xannuunka Corona Virus.

Guddida ka hortagga iyo u diyaargarawga xannuunka Corona Virus ee gobolka Sanaag ayaa maalmaahan baadhitaano dhanka caafimaadka ah ka sameeyay xuduudaha gobolkaas laga soo galo, iyadoo hawl-galo baadhitaan oo dhanka caafimaadka ah ay samaynayaan kooxo ka tirsan wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Maayrka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa bulshada ku nool guud ahaan gobolka Sanaag u soo jeediyay inay ilaalilyaan caafimaadkooda, isla markaana ay ku dadaalaan raacida talooyinka caafimaad ee ay siinayaan guddiyada heer qaran, heer gobol ee ka hor tagga xannuunka Corona Virus.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *