9 Qof oo Cusub ayaa Laga Helay Cudurka Coronavirus Muqdisho

Published: April 10, 2020

Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Federaalka ee Somaliya ayaa sheegtay in lahelay kiisas cusub oo leh, kuwaasi oo ku saabsan cudurka safmarka ah ee COVID-19

Wasiirka caafimaadka Drs Fawziya Abiikar Nuur waxa ay sheegtay in dadka laga helay cudurka ay ku jiraan labo sarkaal oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka federaalka

Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka

  • Maanta oo ay taariikhdu tahay 10/04/2020, waxaan xaqiijinaynaa inay soo kordheen 9 xaaladood oo cusub oo laga helay cudurka Corona. Dadkaan ayaa dhamaantood ah dad ku sugan magaalada Muqdisho oo aan wax safar ah dhowaan galin.
  • 6 kamid ah waa dad horey iyagu xiriir ula sameeyay qof ka mid ah dadkii horey cudurka looga helay
  • Waxaa ka mid ah dadka maanta laga helay cudurka labo sarkaal oo u shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, taasoo ka dhigaysa tirda guud ee shaqaalaha Wadaaradda Caafimaadka ee uu saameeyay cudurku afar (4)
  • Tirada guud ee cudurka Corona laga helay ayaa waxay noqonaysaa 21 qof wadanka oo dhan
  • Sida hada inoo muuqata, waxaa xanuunkii uu si aayar ah ugu faafayaa buslshada dhexdeeda
  • Waxa aad u haboon in qof walba oo innaga mid ah uu la yimaado taxadar dheeraad ah, lana raaco dhamaan fariimaha iyo talooyinka Wasaarddu ay bixinayso.
https://www.facebook.com/WasaaraddaCaafimaadkaSoomaaliya/posts/2695680137221821

DHAMMAAD

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *