Wasiirka Waxbarashada XFS oo walaac ka muujyay faafidda iyo halista Covid 19.

Published: April 10, 2020

Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa shaaciyay in haddii cudurkani uu dalka ku faafo aysan jirin awood looga hortagi karo balse ay habboon tahay in marka hore bulshadu ay la timaado Alla bari .

Wasiirka ayaa xusay in uu  aad uga walaacsanahay tirada iyo tuhunka sii badanaya ee cudurkan saf-marka ah ee dhibaatada badan ku haya bulshada caalamka ,isagoo intaa raaciyay in dadka Soomaaliyeed aysan ku baraarugsaneyn halista cudurka, balse dadku badankood ay yareysanayaan qatarta la filan karo.

“Maanta maalin aan uga baahi badannahay majirto in aan midowno, is-maqalno, is-kaalmeyno, isla markaana meel uga soo wada jeesanno sidii aan uga hortagi lahayn cudurkan, si uusan saameyn ballaaran ugu yeelan dadkeena, maadaama tabar, dhaqaatiir, qalab iyo goobo caafimaad oo aad u haboon aanaan heysan” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada XFS. Cabdullaahi Goodax Barre

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *