Ra’iisul Wasaare Kheyre oo guddoomiyay kulanka Guddoomiyaasha Guddiga ka hortagga Covid-19.

Published: April 20, 2020

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa shur guddoomiyay shir ay ka qeyb galeen guddoomiyaasha guddiyada ka hortagga Covid-19 ee dowlad gobaleedyada, oo looga hadlay dardar gelinta dadaallada lagu xakameynayo faafidda iyo saameynta bulshada uu ku yeelanayo cudurka COVID-19.

Guddoomiyaasha guddiyada dowlad gobaleedyada ee ka hortagga COVID-19 ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixinnadii ugu dambeeyay ee dowlad gobaleedyada iyo caqabadaha jira.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa caddeeyay in dowladda federaalku ay dadaalkeeda oo dhan isugu geyneyso wax ka qabashada COVID-19, waxa uuna ku baaqay in wadajir loo wajaho cudurkaan, lana laba jibaaro dadaalka maadaama lagu jiro xilli aad u adag.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaaleya xakameynta iyo saameynta bulsho ee cudurkaan COVID-19, ayaa hir-gelisay xaruma caafimaad oo lagu daryeelo bukaannada, waxayna dhanka kale canshuur dhaaf iyo canshuur dhimis u sameysay cunnada aasaaniga u ah nolosha bulshada, iyadoo sidoo kale wada qorshe lagu caawinayo dadka u nugul saameynta ka dhalanayesa tallaabooyinka lagu xakameynayo cudurkaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *