Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo sharci darro ku tilmaamay wareegto ka soo baxday Madaxtooyada.

Published: April 22, 2020

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ugaga soo horjeestey go’aan ka soo baxay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo uu shaqadii uga joojiyay  guddoomiyaha Maxkamada racfaanka Gobolka Sh/dhexe.

Qoraalka uu soo saaray guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre ayaa waxaa ka muuqday khilaaf maalmihii la soo dhaafay la sheegayay inuu ka dhex jiro guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Hirshabelle.

“Ma jiro xilka qaadis madaxda Maamulka Hirshabelle sameyn karto laga bilaabo maanta oo ah 21ka bisha April 2020.maadaama lagu gudo jiro xilli kala guur ah.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle oo ka koobnaa shan qodob.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *