Jigjiga: Xogta Itoobiyaan Ka yimid Bosaso oo Laga Helay Covid -19

Published: April 26, 2020

Maamulka dowladda degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay Puntland la wadaagaan xogta nin Itoobiyaan ah oo laga helay cudurka Covid-19 kaasi oo ka yimid Magaaladda Bosaso.

Dr Mukhtaar Yusuf Muuse oo ah wasiir Kuxigeenka Caafimaadka ayaa sheegay in Ninkan oo u dhashay qowmiyadaha kale ee Itoobiya uu soo galay Jigjiga 23 bishan April, isagoo noqday qofkii u horreeyay ee cudurka laga helay Jigjiga

Wasiirku wuxuu sheegay inay karantiileen 50 qof oo loo shakisan yahay inay la macaamileen ninka laga helay Cudur covid-19 , waxaa kaloo uu wasiirku sheegay inay la wadaagi doonaan Puntland macluumaadka ninkan haddii ay soo dalbadaan.

Ninkan Itoobiyanka ah ee laga helay cudurka ayaa mid ahaa boqolaal Tahriibayaal oo lug ku galay degaamadda Puntland iyagoo soo mara marka hore Somaliland kadibna doonyo ka raaca xeebaha Puntland si u gaaraan wadanka Yemen ugana sii gudbaan wadanka Sucuudiga.

Guddiga u qaabilsan ka hortega covid-19 weli kama hadlin kiiska ninka Itoobiyaanka ee laga helay cudurka.

https://www.facebook.com/AbdirizakHAtosh/videos/263985091669823/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *