Farmaajo oo Ka Hadlay Dhibaatada Ka Dhalatay Daadadka Ku Fatahay Qardho

Published: April 28, 2020

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka tacsiyeeyay musiibada naf iyo maalba leh ee ka dhalatay daadadkii ku fatahay magaalada Qardho ayaa ku baaqay in wadajir loogu istaago shacab iyo dowladba u gurmadka dadkeenna ay soo gaartay dhibaatada xooggan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadkii ku soo rogmaday magaalada, iyada oo dalkeenna ay ka jirto halis caafimaad oo la tacaaliddeeda aynu isugu geynay maan iyo muruq.

“Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan u uga qayb qaadanlahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee maanta ay soo food-saartay dhibaatadu. Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan reer guuraaga waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan daadadka iyo fatahaadaha maadaama lagu gudo jiro xilli roobaadkii.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey isu gurmashada iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka deegaanka, gaar ahaan dhallinyaradii xalay oo idil u taagnaa samata-bixinta qoysaska iyo dadka nugul. Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay Guddi Gurmad Qaran oo deg-deg ah u saarto musiibada daadadkan ku soo rogmaday Qardho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle naxariistiisa Janno u weydiiyey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday daadadkan, caafimaad deg deg ahna waxa uu u rajeeyey intii ku waxyeelowday
HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Waxaan aad ula socday wararkii aad ka qorayseen Daadadkii Qardho.
    Waxaa haboon marka aad wararka qoraysaan inaad warkiina laga dhadhansan qofka qofaya aragtidiisa uu qabo. Wariyanimadu su hufan ayey u tebiyaan.
    Tusaale haddaan ku siiyo waxaan arkay
    Madaxweynihii Soomaaliya waa idinku adkaatay inaad xilkiisa sheegto, taas bedelkeeda naanaystiisii ayaad tiri Farmaajo.
    Halka aad Madaxweynaha deegaanka aad ciwaan ilaa warbixinta dhexdeeda aad 10 times ku sheegtay xilkiisa iyo magiciisa! waxaan kaloo la yaabay deeqdii dawladda Soomaiya iyo gurmadkii ay fidisay ahmiyad ma aydan siinin iyo guddiyadii ay qabatay ee dadka loogu gurmanayey.
    Marka awal waxaan u qabay in horseedmedia yahay website hufan oo dad xirfad lihi qoraan laakiin maanta waxaan ka bartay in bahalku xaafad hoose ka ciyaaro.