Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo $1 milyan oo dollar ugu deeqdey magaalada Qardho

Published: April 29, 2020
Raysalwasaare Kheyre oo booqday magaalada Qardho 2018

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre ayaa magaalada Qardho u fasaxay $1 milyan oo dollarka Maraykanka ah taas oo wax looga qabanayo dhibaatadii ka dhalatey fatahaadii roobabku sababeen.

Waa dhaqaalihii ugu badnaa magaalada Qardho loogu yabooho kadib fatahaadihii roobabka, waxaana tani noqoneysaa mid wax weyn ka tarta xaaladda bini’aadanimo ee ka taagan magaalada Qardho. Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre ayaa xiriir joogta ah la samaynaayey tan iyo markii fatahaadu dhacdey magaalada Qardho waxaana uu ballan qaadey isaga oo fulinaya amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si deg-deg ah wax uga qabanayo xaaladda taagan, tan oo ah mid bulshada degmada Qardho ku xasuusan doonto.

Fatahaada roobabku sababeen waxaa ku dhintey dad ku dhaw 10 qof, waxaana la waayey qaar kale oo aan la helin raq iyo ruux, waxaa ku burburyey guryo aad u baadan, waxaana gebi ahaanba burburay suuqii weynaa ee magaalada.

Madaxweynaha Puntland oo hadda ku sugan magaalada Qardho ayaa sameeyey guddi gaaraya 24 qof oo ka shaqeyn doona isku dubaridka gargaarka magaalada Qardho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *