Maamulka Banaadir oo ka Jawaabay Cabasho ka timid Bulshada Degmada Warta-nabada

Published: April 30, 2020

Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane d Axmed Xasan Iimaan iyo Guddoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane d Cumar Cali Cabdi oo ay wehliyeen Maamulka Degmada Warta Nabadda iyo Agaasimeyaal ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar ayaa xalay kormeer waxa ay ku tageen Wadada dheer ee xiriirisa Xarunta Degmada Warta Nabadda iyo Isgoyska Geed Jaceyl, iyadoo laga jawaabayo cabasho ka timid shacabka ku dhaqan Degmada Warta Nabadda.

Mas’uuliyiinta Maamulka ayaa dhageystay talooyinka iyo cabashada shacabka ku dhaqan Degmada Warta Nabadda iyagoona balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu si deg deg ah ugu jawaabi doonno cabashada ka timid shacabka.

Guddoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir  Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu qorshaha ugu jiro sidii dib u dhis balaaran loogu sameen lahaa wadadaasi laamiga ah, balse inta ka horeysa ay Maamulka Gobolka ka shaqeyn doonaan sidii bulshada loogu sahli lahaa isu socodka iyo adeegsiga Wadadaasi.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada warta nabada ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay cabasho ka keeneen bur burka ka muuqda Xarunta Degmada Warta Nabadda iyo Isgoyska Geed Jaceyl taasi oo ay ku tilmaameen inaysan heysan meel ay marsiiyaan marka ay timaado xaaladaha deg deg ah .

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *