Ruushka oo 1,200 askari ku xoojiyay ciidamada Khalifa Haftar ee Liibiya

Published: May 7, 2020

Shirkadan Militari ee calooshood u shaqeysatada ah ayaa la sheegay in 1,200 ku xoojisay ciidamada uu hogaamiyo Gen.khalif Haftar ee la dagaalamaya dowlada Caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya, xogtan ayaa laga helay warbixin ay diyaarisay UN-ta oo si qarsoodi ah loo shaaciyey.

Warbixintan ayaa waxa diyaariyey Guddiga Madax-banaan ee Qaramada Midoobay u saartay kormeerka iyo la socoshada cunaqabateynta saaran dalka Liibiya ayaa ka kooban 57 bog, xogtan oo loo gudbiyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in askartan laga keenay Ruushka ay si toos ah uga qeyb qaateen dagaalka.

Shirkadan Wagner Group oo la sheego inay ka amar qaadato dowlada Ruushka ayaa horey sidan oo kale ciidamadooda calooshood u shaqeysatayaasha ah uga soo dagaalameen dalalka Siiriya & Ukraine, walow Dowlada Ruushka ay arrintan beeniso mar walba.

Xogtan cusub ayaa muujineysa heerka ay gaarsiisan tahay taageerada Gen.Khalifa Haftar uu ka helayo dowlada Ruushka, Jeneraalkan oo gacanta ku haya inta badan gobalada Bari ee dalka Liibiya ayaa bilihii lasoo dhaafay duulaan ku ahaa magaalada Caasimada ee Tripoli oo uu ku guuleysan waayey inuu gacanta ku dhigo, wuxuuna sidoo kale taageero militari ka helaa dowlada Masar iyo Imaaraatiga.

Ciidamada Dowlada Liibiya ee caalamka aqoonsan yahay oo taageero ka helaya Militariga Turkiga ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay jab weyn u geystay xoogaga Haftar gaar ahaan duqeyn dhanka cirka ah oo lagu burburiyey gaadiid badan oo dagaalka ah oo uu lahaa Gen.Haftar.

Inkastoo Haftar looga itaal roonaaday dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay nawaaxiga caasimada Tripoli, hadana ciidamadiisa ayaa weli gacanta ku haya inta badan xarumaha shidaalka dalkaasi laga soo saaro ee ku yaal gobalada bari ee wadankaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *