Shiinaha oo Soomaaliya soo gaarsiiyey deeq caafimaad

Published: May 8, 2020

Soomaaliya waxa ay guddoontay maalintii Khamiis ahayd (7 May) shixnaddii labaad oo ah kaalmo agab caafimaad oo ay ku deeqday Dowladda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha si looga hortago COVID-19, iyadooo ka koobnayd maaskaro, galoofyo, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo, qalabka baaridda-caafimaad iyo dharka ilaalinta leh ee loogu talogalay in ay ku labistaan xirfadlayaasha caafimaadka.

Tan iyo 24 Maarso, Soomaaliya waxa ay deeqo agab caafimaad ah oo labo shixnadood ah ka heshay Hey’adaha Ma Yun iyo Alibaba, si la mid ah waxa ay labo shixnadood kale ka heshay Dowladda Shiinaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisey Dowladda iyo dadka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, waxa ayna bogaadisey deeqda bani’aadannimo ee looga hortagayo cudurka safmarka ah ee Koroona feyrus.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtey in deeqdan dalka oo dhan la gaarsiin doono.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 928 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus, oo ay ka mid yihiin 106 ruux oo bogsatay iyo 44 ruux oo u geeriyootay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *