Madaxweynaha Puntland oo ka hadley xiisadda colaadeed ee gobolka Mudug

Published: May 9, 2020
Madaxweuynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta shir saxaafadeed uu ku qabtey magaalada Qardho uga hadley xiisada colaadeed ee weli ka taagan deegaan Teegare oo galbeed uga beegan magaalada Gaalacyo xarunta gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ay ballan qaadayaan in ay xakameeyaan dhankooda, sugayaan amniga, waxaana uu dadka deegaankaas ee reer Puntland ugu baaqey in laga waantoobo aanada iyo aarsiga, wixii dhib dhacayna si dowli ah ayaa loo galayaa ayuu yiri, Madaxweynaha ayaa raaciyey in ficikladoodu aysan sababin dagaal weyn in uu dhaco.

Dhanka Galmudug ayuu ugu baaqey sidaas oo kale, waxaana uu sheegay in Gen Qaybdiid, Axmed Ducaale Xaaf iyo Gen Gorod ay ku mashquulsan yihiin sidii xaaladda loo dejin lahaa, waxaana uu ugu baaqey in aan baaq keliya lagu koobsan ee la gaaro qorshe amniga la iska kaashanayo.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in uu la hadley Madaxweynaha Galmudug oo ay ka wada hadleen sidii xaaladdan loo dejin lahaa, cidda keliya ee colaadan ka faa’ideysanaysaa waa kooxaha xagjirka ah ayuu yiri madaxweyne Deni.

Deegaanka Teerage ayaa waxaa ku soo noqnoqdey weeraro gaadmo ah oo ay soo qaadeen malayshiyaad hubeysan oo Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ku eedeeyey in ay ka yimaadeen dhanka Galmudug, waxaana shaqaqooyinkaas ku nafwaayey dhawr qof halka ay sababtey dhaawacyo kala geddisan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *