Wasiir Fiqi: 50% Dadka Covid-19 u Dhintay Degmada Waaciye ayay ku Dhinteen

Published: May 10, 2020

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Maaliyada Puntland Cumar Xasan Fiqi ayaa sheegay in 50% dadka cudurka coronavirus u dhintay ay ku dhinteen degmada Waaciye ee gobolka Karkaar

Wasiirka oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebuuga wuxuu sheegay in dadkii laga baaray cudurka Coronavirus magaalada laga 75% taasi ah oo xaalad khatar ah

Waaciye COVID19: 75% ayaa Positive noqday dadki la baaray Waaciye. 22% ka mida wey dhinteen dadkaasi ( Ilahay haw naxariste). 50% dadka Puntland ku dhintay Waaciye ayeey ku dhinteen. Inta officially la og yahay.” ayuu yiri Wasiirku

Wasiirku wuxu sheegay in dowladu furtay xarun Baxnaano oo agabkeedu u dhamaystiran taasi oo loogu talagalay dadka, madaama buu yiri ay magaaladda yimaadeen dad badan oo ka soo xagaa baxay magaaladda Bosaso

“Hadaad shakido gurigaaga isku baxnaaney inta lagu baarayo, hadaad qabto oo oxygen u baahan tahay wac bahda Caafimaadka ee degmada si laguu geeyo Xarunta Baxnaanada COVID19.”ayuu yiri wasiirku

Wuxuu u mahadceliyay wasaaradda caafimaadka, xildhibaanada, guddiga ka hortega covid-19 ee Puntland, qurjo joogta iyo maamulka degmada oo uu sheegay inay qayb weyn ka qabteen sidii looga hortegi lahaa cudurka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *