Xalado cusub oo la xiriira cudurka Covid-19 ayaa laga xajiiyay Gudaha Soomaaliya.

Published: May 12, 2020

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 81 xaaladood oo COVID-19 ah, taas oo ka dhigeysa tiradii ugu badneyd ee maalin qura dalka laga helo. 5 ruux ayaa ka boqsootay, mana jiro bukaan u geeriyooday maanta.

Bukaannda cusub 50 ayaa rag ah 31-na waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,170, Geeridu waxay mareysaa 52 , waxaana guud ahaan ka bogsooday 126 ruux.

Fowziya Abiikar ayaa sidoo kale heegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Gobolka Banaadir 44, Jubaland 24 , Puntiland 6, Somaliland 5 iyo Hirshabeelle 2.

Kiisaska Cudurka Covid-19 ayaa si xawli ah gudaha Soomaaliya ugu sii faafaya weli, waxaana aad u yar tirada dadka is baaray ee tagaya xarumaha caafimaadka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *