France iyo Maraykanka oo isku heysta Daawada Covid19 ee aan weli lasoo saarin!

Published: May 14, 2020

Dowlada France ayaa maanta oo Khamiis ah digniin u dirtay shirkada weyn ee Sanofi oo soo saarta daawooyinka middaasi oo hada dooneysa inay soo saarto Talaalka looga hortagayo cudurka Covid19.

Baaritaanka shirkadan wado ayaa waxaa maalgeliyey markii ugu horeysay dowlada Maraykanka, waxayna shirkadaasi sheegtay in hadii ay ku guuleysato daawadaasi ay marka hore ka iibin doonto Wadanka Maraykanka.

Arrintan ayey hada kasoo horjeesteen qaar kamid ah dowladaha ugu waaweyn ee Caalamka, waxaana kamid ah dowlada France oo sheegtay inaan la aqbali karin in Maraykanka kaliya laga iibiyo daawadan aan weli lasoo saarin.

Xiisadan ayaa ka dhalatay hadal kasoo baxay Madaxa Shirkada Sanofi, Mr.Paul Hudson oo sheegay in dowlada Maraykanka oo shirkadooda maalgelisay ay noqon doonto dowlada ugu horeysa oo ay siiyaan daawadan hadii ay ku guuleystaan baaritaanka ay hada wadaan.

In ka badan Madaxda 140 wadan iyo dhakhaatiirta caalamka ayaa ugu baaqay shirkadaha Daawooyinka soo saara hadii la helo daawadan in si siman loogu qeybiyo dalalka Caalamka oo dhan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *