WHO: Cudurka Corona wuxuu noqon karaa mid wax xal ah loo waayo

Published: May 14, 2020

Hay’ada Caafimaadka Dunnida ayaa sheegtay in ay dhici karto in lagu guuleysan-waayo cirib-tirka cudurka Corona-Virus / Covid19 oo aan weli wax Talaal iyo daawo ah loo helin.

Cudurkan wuxuu noqon karaa mid lamid ah fayruska HIV oo kamid ah cudurada illaa iyo hada aan loo helin daawo lagu cirib-tiro ama Talaal looga hortago, ayuu yiri Dr. Mike Ryan oo u hadlay hay’ada WHO.

Dhinaca kale waxaa weli socda dadaal ay wadaan Shaybaaro Caalami ah iyo shirkado kala duwan ee daawooyinka kuwaasi oo ay maalgelinayaan Dowladaha Caalamka kuwaasi oo doonaya inay helaan Daawada Talaalka ee cudurkan, walow ay sheegeen inay ku qaadan doonto bilo badan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *