Puntland: Axmed Karaash oo sheegay in uu buriyey wareegto ka soo baxdey Deni

Published: May 15, 2020

Wareegto ka soo baxdey xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cismaan Karaash ayaa lagu sheegay in lagu buriyey magacaabistii Madaxweynaha Puntland ee maalintii khamiista soo baxdey, taas oo lagu magacaabey taliyaha ciidanka Madaxtooyada oo loo magacaabey,  sarkaal horey uga tirsanaa ciidanka Madaxtooyada Col. Cismaan Cumar , iyo ku xigeenkiisa oo loo magacaabey Col. Cabdirisaaq Axmed Cali.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa u cuskadey wareegtada uu ku burinaayo in aan Madaxweynuhu wax talo ah ka weydiin magacaabistan, waxaana uu lifaaq siiyey Baarlamaanka Puntland.

Bishii Feberaayo 2019, ayaa Deni ku magacaabey Col. Barkhad Cabdullaahi Yusuf  taliyaha ciidanka Madaxtooyada.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa Col. Cabdiqani Maxamed Xarbi u magacaabey taliye-ku-xigeenka ciidanka Madaxtooyada, bishii Diseember 2019, xili Madaxweyne Deni uu dalka ka maqnaa oo uu ahaa kusime.

Col. Barkhad Cabdullaahi ayaa xilkan iska casiley mudadii Madaxweynuhu ku sugnaa magaalada Qardho ee hortaantii bishan May 2020, kadib  cadaadis uu sheegay in uu muddo soo jiitamaayey oo la xiriirta shaqadiisa.

Maalintii shalay ayaa Madaxweyne Deni Xeer lanbar 42 ah ku magacaabey Taliyaha cusub iyo ku-xigeenkiisa.

Axmed Karaash wuxuu sheegay in taliye ku-xigeenkii hore uu yahay kan weli xilkaa haya waa Col. Cabdiqani Maxamed Xarbi oo uu isagu magacaabey.

Muranka labada masuul ee Deni iyo Karaash u dhexeeya oo si weyn uu xooggana sanadkii 2019, ayaa u muuqdey mid meesha ka baxay laakiin tan ayaa muujineysa in uu mar labaad soo laba kacleeyey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *