Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda.

Published: May 16, 2020

Madaxweynaha Puntland ayaa Eng Maxamed Cabdirashiid Cali u magacaabay Agaasimaha guud ee Madaxtooyadda Puntland, Maxamed waxa uu waxbarashada hoose, dhexe iyo sarre ku qaatay gudaha Wadanka.

Waxbarashada sarre ee Jaamacada waxa uu ka galay Dalka Ingiriiska, mudo ayuu ku jiray arimaha ganacsigga, waa Mulkiilaha shirkadda Cumputuradda ee Pure-tech, hadda oo xilkaan loo magacaabayna waxa uu ahaa maareeyaha Shirkada Diyaarada ee Ethopian Airline xafiiskeeda Puntland.

Agaasimaha cusub ayaa bedelaya Agaasimihii hore ee Madaxtooyadda Puntland Maxamed Cabdiladiif oo shaqada ka tagay dhawr-bilood ka hor.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *