Wasaarada Arrimaha Diinta DFS oo talooyin la xiriira dabaal-degga maalmaha ciidka la wadaagtay shacabka.

Published: May 20, 2020

Wasaarada Arimaha Diinta iyo Awqaafta Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaratay dabaaldegga iyo isu-imaanshaha shacabka Maalmaha Ciidka, Dawlada ayaa talooyin ku saabsan bad-qabka iyo yaranta faafintaa cudurka Covid-19 la wadaagtay dadka Shacabka ah.

Sheekh Nuur Maxamed Xasan Wasiirka Arrimaha Diinta DFS ayaa shacabka ugu baaqay in ay xirtaan af-dabool { Masks } iyo waxyaabaha lagu xirto gacmaha { Gloves } si qof kastaa uu uga bad-baado in uu cudurkaan haleelo, sidoo kale waxa uu shecabka kula taliyay in is marxabaynta la yareeyo, kala fogaanshahana la dhiirigeliyo.

Sidaan oo kale maalin ka hor Gudigga qaran ee ka hortagga Cudurka Covid-9 ee uu hogaamiyo Raysal-wasaare Khayre ayaa sheegay shir la xiriira sidii faafitaanka cudurkaan loo yarayn lahaa maalmaha Ciidka oo dad badan ay isu taggi-doonaan.

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii wax looga qaban-lahaa tiradda dadka uu haleelayo cudurkaan safmarka ah ee dunidda saamaynta xun ku yeeshay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *