Dfs oo Sheegtay Inay Khaarajiyeen Sarkaal Shabaab u Qaabilsanaa Cashuuraha

Published: May 21, 2020

Dowladda federaalka ee Somaliya waxa ay sheegtay in Howgal qorshaysan oo ay ciidamada kumaandooska ee danab ka fuliyeen degaanka leego ee gobolka shabeelaha hoose ayay ku bur buriyeen goob maleeshiyaadka al-shabaab ay ku qaadayeen lacago baad ah.

Dowladu waxay sheegtay in Howlaglkaas lagu qaarijiyay horjoogihii canshuuraha Alshabaab u qaabilsanaa degmada walan weeyn iyo degaanada hoos yimaada waxaa sidookale ciidanka halkaasi ay ku qaarijiyeen labo maleeshiyo oo lasocday.

Taliyaha guutada kumaandooska xoogga dalka ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in howlgalka uu yimid kadib markii cabasho ay katimid dadka shacabka wadadaasi isticmaalo ciidanka oo ka jawaabaya cabashada dadka soomaaliyeed inay bur buriyeen gabi ahaanba goobtii lacagaha baada ah lagu qaadayay islamarkaasna lagu dilay horjoogihii qaabilsanaa iyo maleeshiyadiisa

Taliyaha ayaa intaasi kudaray in horjoogaha howlgalka lagu dilay lagu magacaabo abuu Haashimbalse magaciisa oo dhameystiran dib kasoo sheegidoonaan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *