DFS oo sheegtay in ay la wareegeen deegaano ay ka talinayeen Ururka Alshabaab.

Published: May 26, 2020

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamo ka tirsan Dawlada ay la wareegeen deegaano ay horay gacanta ugu haysay Ururka Alshabaab kuwaas oo ku yaalay Gobolka Hiiraan, Dhulka ay dawladu gacanta ku dhigtay ayaa ah inta u dhaxaysay Magaalooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi.

Taliyaha ururka 41aad guutada 5aad qeybta 27-aad Cabduqaadir Cali Nuur ayaa sheegay in ciidamadu ay howlgallo ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa Buulo-burde iyo Jalalaqsi ay kula wareegeen deegaanada Afcad, Ceel-bacad iyo Aboorey isagoo sheegay in ay burburiyeen fariisimo maleeshiyadu ay dadka baad uga qaada jirtay oo ku yaalay deegaanadaas.

 Taliyuhu waxa uu xusay in ay howlgalka ku dileen 13 ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, tiro kalena ay dhaawaceen, Taliyuhu wuxuu intaas ku daray in Alshabaab ay ka gubeen Gaari,sidookale ay gacanta ku dhigeen raashin, hub iyo laabtoob ay ka carareen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *