Galmudug oo la wareegtay baro koontarool oo ku Yaal Galkacayo

Published: May 27, 2020

Wasaaradda amniga maamul goboleedka Galmudug ayaa ciidamada Booliska dowladda federaalka ku wareejisay koontaroolada magaalada Gaalkacyo oo markii hore ay joogeen maleeshiyo beeleed.

Wasiirka amniga maamulka Galmudug Axmed Macallin Fiqi,Sanataro iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa saakay kormeeray koontaroolada lagu wareejiyay ciidamada Booliska iyagoo kula dardaarmay in ay bulshada si wanaagsan ula dhaqmaan si nabad gelyo buuxda loo helo.

Koontarooladaan ayaa waxaa hore u maamuli jiray maleeshiyo beeleedyo waxa ayna bulshadu kala kulmi jireen dhibaatooyin badan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *