Afghanistan: 7 Askari oo Lagu Dilay Weerar ay Soo Qaadeen Taliban

Published: May 28, 2020


Ugu yaraan 7 Askari oo ka tirsan ciidamada Afganistaan ayaa lagu dilay weerar ay soo qaadeen maleeshiyaadka Xagjirka ee Talibaan ka dib markii ay dhamaatay saddex maalmood oo xabad joojin ah maalmaha ciida awgeed

Waheeda Shahkar oo ah afhayeenka gobolka Parwan ayaa sheegay in weerarku dhacay in weerarku uu ka dhacay dooxada Ghorband Valley ee waqooyiga caasimadda Kabul xili hore oo saaka ah, waxaana uu xaqiijiyay in 7 askari lagu dilay weerarkaasi, mid kalena lagu dhaawacay.

Dhinaca kale, Ururka Talibaan ayaa dhinacooda ku eedeeyay ciidamada dowladda inay weerarka cirka ah ku dileen 10 qof oo shacab Galbeedka Gobolka Zabil, hase yeeshee guddoomiyaha gobolkaasi wuxuu sheegay in weerarkaasi lagu dilay 18 ka tirsan maleeshiyaadka Talibaan.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Afganistan Maxamed Ashraf Ghani uu amray in la sii daayo ugu yaraan 1,000 maxaabiista Talibaan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *