Muqdisho: Tirada Kiisaska COVID19 oo Hoos u Dhacay

Published: May 28, 2020

warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ay soo saarto wasaaradda Caafimaadka Federaalka ayaa lagy sheegay in 24kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 13 xaaladood oo COVID19 ah, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,731.

La taliyaha sare ee COVID19, Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) waxaa uu sheegay in Bukaannada cusub oo laga diiwaan geliyay Somaliland ay yihiin  8 iyo gobalka Banaadir 5 ayaa 10 kamid ah waxa ay yihiin rag, 3-na waa haween.

Feyruska Karoona waxaa bogsooday 12 qof oo cusub taas oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 265 qof.

Lama diiwaan gelin bukaan cusub oo u geeriyooday COVID19, waxaana geerida guud mareysaa 67.

Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) ayaa ku baaqay in lagu dadaalo kahor tagga iyo faafitaanka cudurka si loo yareeyo saameynta COVID19 uu bulshada ku yeelanayo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *