Muqdisho: 18 ka tirsan Al-shabaab Oo Lagu Dilay Deegaanka Jannaale

Published: May 31, 2020

Milateriga dowladda federaalka ayaa sheegay inay dileen 18 xubnood oo ka tirsan urur Alshabaab ka dib markii ay howlgal ka sameeyeey degaano hoostega Jannaale

Ciidanku waxay sheegeen inay howlgalka ay ka sameeyay tuulooyinka Buulo-urunji iyo busleey oo hoosyimaada deegaanka Jannaale ee gobolka shabeellaha hoose ay ku dileen 18 kamid ah maleeshiyaadka aAl-Shabaab kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah ee tuulooyinkaasi.

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Janaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda ayaa sheegay in howlgalka uu yimid  kadib markii dadka degaanka ay la loo wadaageen xogta maleeshiyaadka dhuumaaleeysanayay sidaasna ay ugu suuragashay in howgal qorsheysan lagu dilo 18 kamid ah Alshabaab.

Taliyuhu wuxuu kaloo sheegay inay gubeen Doomo ay Alshabaab isaga kala gudbi jireen Wabiga Shabeelle ee mara Jannaale iyo degaannada kale ee gobolka Shabeellaha hoose.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *