FRANCE: Banaanbaxyo rabshado wata oo ka dhacay PARIS

Published: June 3, 2020

Banaanbaxyo looga soo horjeedo cunsuriyada reer Galbeedka oo lagu taageerayo Madowga Maraykanka ayaa ka dhacay qaar kamid ah dalalka Yurub sida; UK, Germany, Holland iyo France, waxaana banaanbixii shalay ka dhacay magaalada Paris isu bedalay rabshado.

Caasimada dalka France ee Paris ayaa xiligan ka mamnuuc ah in la dhigo wax mudaharaad ah ama ay dadka isu yimaadaan xili lala tacaalayo ka hortaga cudurka Covid-19, balse shacab badan oo Salaasadii isugu soo baxay fagaarayaasha ayaa ka horjeeday dilkii ka dhacay dalka Maraykanka iyo waliba dilal ay horey u geysteen Booliiska Faransiiska oo lagu dilay dhalinyaro madow ah.

Banaanbaxyada ka socda dalka Maraykanka ee looga soo horjeedo gabood-falada booliiska ayaa hada u muuqda mid kusii faafaya dalalka kale ee reer Galbeedka oo ay shacabka laga tiro badan yahay uga cabanayaan falalka cunsurimada ku dheehan ee lala beegsado dadka Madow.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *