Xassan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo baaq u jeediyey Madaxweyne Farmaajo

Published: June 10, 2020

Madaxweyanyaashii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii xalay shir saxaafadeed ku qabtey magaalada Muqdisho, kadib markii ay kulan labaad la qaateen shir-guddoonka Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyadda.

Labada Madaxweyne ayaa muujiyey welwelka ay ka qabaan xaaladda dalka, haddii ay dhamaato muddada dastuuriga ah ee Madaxda dalka loo igmadey xafiiska.

-Horey uma dhicin in iyada oo la iska socdo la gaaro maalintii xilku ka dhamaan lahaa, xiligaan oo kale ugu yaraan waxaa la ogaa halka loo socdo, Madaxweyne Farmaajo waxaan ka dooneynaa in uu dadka la hadlo u sheego runta God iyo ninkii loo wado lama kala qariyo, suurta gal maaha sida uu hadda wax ku wado in ay wax ku dhamaadaan, ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa welwel weyn ka muujiyey waxa ka dhex socda Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteeriya, wuxuu sheegay in wararka soo baxaya oo dhan ay yihiin kuwo ka imaanaya dhanka Itoobiya iyo raysalwasaare Abiy Ahmed, laakiin annaga ayuu yiri Madaxweynahayagii waa aamusan yahay, hanoo caddeeyo waxay dalalkaasi ka wadaan is dhexgalka dalalka Bariga Afrika ayuu yiri.

Dhanka kale waxa uu dalabadey in dalka laga saaro ciidamada aan sharciga ku joogin ee ka baxsan AMISOM, kuwaas oo geystey falal denbi ah laguna dley muwaadiniin Soomaaliyeed ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ugu danbeyn dhamaan Madashada Xisbiyada oo ay afkooda ku hadlayaan Madaxweynayaashii hore soo dhaweynayaan baaqa ka soo baxayaqalka sare ee ku baaqaya in shir wadatashi oo degdeg ah la isugu yimaado.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *