Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay In 45 Qof Ka Bogsoodeen Covid-19

Published: June 16, 2020

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 45 qof oo cusub,  taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 622.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 39 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Gobolka Benaadir 14, Puntland 12, Somaliland 8, Jubbaland 3 iyo Koonfur Galbeed 2 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,642

Bukaannada cusub 25 kamid ah waa rag, 14-na waa haween. 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirn bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 88 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *