20 Askari oo Ku Dhintay Dagaal Gacanta La Isula tagey oo dhexmaray Shiinaha iyo Hindiya

Published: June 17, 2020

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in 20 askari oo ka tirsan ciidamadeeda ay ku dhinteen dagaal gacanta la isula tegay oo ku dhexmaray ciidamada Shiinaha Xuduuda labada dal.

Labada ciidan oo gacanta isula tegay habeenkii isniintii ee toddobaadkan ayaa isku adeegsaday dagaxaan, ulo iyo budad masaaamiir leh taasi oo keentay in saddex askari ay ku dhinteen isla goobtii dagaalka halka 17 askari ay u dhintaan dhaawicii ka soo gaaray dagaalkaasi.

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in dagaal gacan ka hadal ahi uu uu dhexmaray labada ciidan hase yeeshee ma sheegin wax khasaare ah oo dhinacooda soo gaaray.

labada dowladood ayaa midba midka kale ku eedeeyay xiisada ka taagan xuduuda labada dal iyo dagaalka dhexmaray labad ciidan.

Xiisadan oo soo taagneyd tan iyo sanadkii 2017 ayaa sare usii kacday todobaadyadii lasoo dhaafay kadib markii dowlada India bilowday inay xarumo cusub oo militari ka dhisto nawaaxiga xaduuda ay la wadaagaan dalka China.

Labada wadan ayaa isku heysta dhulal badan oo saaran xaduuda labada dal ay wadaagaan oo dhererkeedu yahay 3.500km oo mara dhulka Buuraleyda ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *