Puntland Iyo Soomaaliland Oo Hanjabaad Hawada Isu Mariyey

Published: June 23, 2020

Labada Wasiir ee Wasaaraddaha Warfaafinta Puntland iyo Soomaaliland ayaa maanta hadalo hanjabaad ah isu mariyey warbaahinta kadib markii isniintii aan soo dhaafnay madaxweynaha Puntland uu Somaliland ugu baaqay inay ka baxaan gobolka Sool.

Saleebaan Cali Koore, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland oo u jawaabaya madaxweyne Deni ayaa ku tilmaamay hadalkiisa mid aan xikmad lahayn, isagoo ugu baaqay inuu Puntland iskusoo celiyo, halka uu faraha lasoo gali lahaa arrimaha Somaliland iyo xuduudaheeda.

“Waxaan kuugu baaqayaa wax badan inaad ka sa.xdo maamulkaaga ayaa kuu taala, waxaana kuu sheegayaa inaad fara galinta ka dayso xuduudka Somaliland leedahay,” ayuu yiri Wasiir Koore.

Cabdulaahi Cali Xirsi Timacadde, Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa isna u jawaabay wasiir Saleebaan Koore, wuxuuna sheegay inay Puntland dhulkeeda kusoo ceshan doonto nabad iyo dagaal midkood.

“Madaxweynuhu wuu ku saxan yahay hadalkiisa, Somaliland waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxdo Sool haddii kale dhiig ayaa ku daadandoono” ayuu yiri; wasiir timacadde.

Puntland iyo Soomaaliland ayaa muddo dheer waxa ka dhexeeya muran dhuleed, gaar ahaan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Wakhtigii daraawiish ay katalineeysay carro ciideed ee hadda loo yaqaan dhulka hawdka ayaa nin reer sanaag ah ka soo gabyey ceerigaabo hadda ma hayo gabaygii micnihiisu ahaa geelaa faraha badan hadana buurbuuran hadana barwaaqo iyo kob caleenlehe jooga bal sayidoow car isku day innaad didsato, gabaygii baa sayidkii,gaaray,, sayidkii waxuu yiri war ninku waa nin daraawiish ah oo inoo baaqaya inna keena geela soo dhacnee walee gelii barqo cad baa lasoo dhacay hadaba inna koore waa nin reer puntland ah balse meeye nimankii gabaygaas ka jaabi lahaa oo dhulkaas soo dhicin lahaa