Madaxweyne Farmaajo Ku Dhawaaqay Goorta Iyo Goobta Uu Ka Dhacayo Shirka Amniga Qaranka

Published: June 25, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa ku casuumay madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb galaan shirka golaha amniga qaranka ee JFS kaas oo ka dhici doona magaalada Muqdisho, inta u dhaxaysa 5-8 bisha July.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay Ajandaha Kulanka inuu yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Shirkii maalmo ka hor Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ku dhex maray aallada Internet-ka ayaa loo daayay Madaxweynaha inuu soo iclaamiyay xilliga shirka dhacayo iyo goobta uu ka dhacayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *