Raisul Wasaare Khayre Oo U Safray Qatar

Published: June 26, 2020

Raiisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka u safray magaalada Doxa ee caasimada dalka Qatar, waxaana masuuliyiinta safarka u wehliya kamid ah Gudoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegay inuu raisul wasaare khayre la kulmi doono amiirka iyo raisul wasaaraha cusub ee dalka Qadar, waxaana la filayaa inay ka wada hadlaan masuuliyiintan sidii dowladda Qatar ay dib u bilaabi laheyd taageero dhaqaale oo ay siin jirtay Soomaaliya oo tan iyo markii la magacaabay ra’isul wasaaraha cusub ee Qatar hakad ku yimid.

Qatar iyo Soomaaliya ayaa xiriir wanaagsan ka dhexeeya intii uu talada hayey madaxweyne Farmaajo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *