CHINA oo ku khasbaysa haweenka Muslimiinta Uyghur inaysan caruur dhalin!

Published: July 1, 2020

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’ada cilmi baarista ee  Jamestown Foundation ayaa lagu soo bandhigay baaritaan lagu sameeyey siyaasada cusub ay dowlada China la beegsaneyso Qawmiyada Uyghur ee muslimiinta ah ee ku nool gobalka Xinjiang.

Baaritaankan uu sameeyey khabiirka Dr. Adrian Zenz oo si weyn wax uga qora wadanka China ayaa lagu soo bandhigay ololaha cusub oo ay dowlada China ku khasbeyso in haweenka muslimiinta ah lagu sameeyo qaliin looga hortagayo inay wax caruur ah dhalaan, si hoos loogu dhigo taranka qawmiyada muslimiinta ah, isla markaana gobalka Xinjiang loogu abuuro Qawmiyada loo yaqaan Han Chinees oo ah kuwa ugu tiro badan dalkaasi ee aan heysan diinta Islaamka.

Beesha Caalamka ayaa bartamihii sanadkii hore cambaareysay cadaadiska China ku heyso Muslimiinta Uyghur, in badan oo kamid ah dalalka reer Galbeedka ayaa qoraal ay hordhigeen Golaha Xaquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ku cambaareeyey xeryaha xabsiga ah oo ay China ku heyso in ka badan 1 milyan oo ah muslimiinta Uyghur.

Wadamada u dooday muslimiinta Uyghur ayaa waxay kala ahaayeen; Australia, Austria, Belgium, Canada, Denmark, Estonia, Finland, France, Germany, Iceland, Ireland, Japan, Latvia, Lithuania, Luxembourg, the Netherlands, New Zealand, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, iyo UK.

Dowlada China ayaa sanadkii lasoo dhaafay olole u gashay inay taageero ka hesho qaar kamid ah dalalka Islaamka ah oo ay xiriirka ganacsi la leedahay, kuwaasi oo qoraal ay soo saareen ku difaacay China.

Soomaaliya
Wadamada muslimiinta sheegta ee garab istaagay falalka China ee ka dhanka ah Muslimiinta Uyghur, waxaa kamid ah dowlada Soomaaliya oo kamid ahayd 35 dowladood  muslimiin u badan oo qoraal ay gudbiyeen July 2019 ku taageeray dowlada China.

Halkan ka akhriso wadamada u badan Muslimiinta oo ay Soomaaliya ku jirto ee taageeray China [ UNHRC, July 12 2019]

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *