IRAN oo ku sheegtay Maraykanka Burcad-Badeed!

Published: July 3, 2020

Xukuumada Federaalka Maraykanka ayaa Maxkamadooda ka codsatay in loo fasaxo militariga Maraykanka inay soo qabtaan 4 Markab oo laga leeyahay dalka Iran oo shidaal geeyey wadanka Venezuela.

Maraykanka ayaa ku doodaya in heshiiska dhexmaray Iran iyo Venezuela oo labaduba Maraykanka cunaqabateeyey inay jabiyeen xeerka cunaqabateynta isla markaana xaq u leeyihiin inay soo qabtaan Maraakiibtan ka timid dalka Iran.

Dacwada Maraykanka ayaa lagu sheegay in heshiiska shidaalka ee Iran iyo Venezuela dhexmaray uu ka danbeeyo Ganacsade magaciisa lagu sheegay Mahmoud Madanipour oo xiriir laleh Ciidamada Jamhuuriga Iran, ciidamadaasi oo uu Maraykanka dhawaan u aqoonsaday inay yihiin Koox Argagaxiso ah.

“…Ganacsigan shidaalka waa mid ay si toos ah dhaqaale badan ugu helayaan kooxda Ciidamada Jamhuuriga Iran kuwaasi oo dhaqaalahaasi u adeegsan doona sameynta iyo faafinta hubka halista ah iyo taageerida kooxaha argagaxisada…” ayaa lagu yiri Dacwada Xukuumada Maraykanka oo la horgeeyey Maxkamada Federaalka Maraykanka ee degmada Columbia.

Dowlada Iran ayaa dhankeeda ka digtay hanjabaada ka imaaneysa Maraykanka, iyagoo sheegay in falalka uu Maraykanka wado uu yahay fal Burcad-badeednimo, isla markaana ay qaadi doonaan tilaabo militari hadii Maraykanka afduubto Maraakiibtooda sida sharciga ah u maraya biyaha & Badda caalamiga ah.

Dowlada Venezuela ayaa heshiis kula gashay Iran inay ka iibsato shidaalka sifeysan si ay dib ugu kiciyaan Warshadahooda Batroolka oo dhaawac weyn kasoo gaaray cunaqabateynta uu Maraykanka saaray dalkaasi, balse Maraykanka ayaa xiligan diidan in Iran iyo Venezuela ganacsigan dhexmaro.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *