Maxaa hor istaagi kara muddo kororsiga Dowladda Federaalka ah ? Faallo

Madaxweyne maxamed Cabdullaahi iyo guddoomiyaha Golaha shacabka Mursal Maxamed

Maalmihii u danbeeyey waxaa socdey qorshe la isugu soo dhaweynaayo dhinacyada siyaasaddaa Soomaaliya, taas oo ay garwadeen ka ahayd Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya. Qorshahan ayaa ahaa sidii heshiis looga gaari lahaa doorashada Soomaaliya ee wakhtigeedi soo dhawaadey, taas oo aysan muuqan ilaa hadda nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa.

Marka la eego muddada yar ee ka harsan xilligii ay ku ekeyd Goloyaasha Dowladda Federaalka ah, marka la eego wada shaqeyn la’aanta wakhtiga dheer soo jiitameysey ee u dhexeysey Dowlad goboleedyada iyo xafiiska Madaxweynaha, marka la eego damaca waalida ku dhisan ee Xildhibaanada Golaha Shacabka, marka la eego sida beesha caalamku aysan dan weyn uga lahayn arrimaha hadda socda, marka la eego kala qaybsanaanta Dowlad goboleedyada oo qaarkood noqdeen kuwo aad u taagdaran oo ku xiran Dowladda Federaalka, waxaa kuu soo baxaya in heshiis la gaaro aanu deg-deg ku imaaneyn waxkastana ay yihiin macquul.

Kadib markii uu baaqdey shirkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed Cabdullaahi uu ku baaqey 05 Luuliyo, ilaa haddana aan si rasmi ah loo sheegin sababta baajisey, taas beddelkeed Dowlad goboleedyadu ay ku ballameen shirka Dhusamareeb ka dhacaya 08 Luuliyo 2020, waxaa soo baxaya isbeddel kale oo galey Dowladda Federaalka oo markii hore u soo debecdey in la joojiyo dhamaan dhaq-dhaqaaqyada la xiriira doorashada iyo dejinta xeerarkeeda oggolaatey in laga wada hadlo.

Danaha is waafaqey

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uu doonayaa in uu helo muddo kororsi si uu u qabto doorashadii uu ka gaabiyey ee hal qof iyo hal cod haddiiba uu qaban karo, xafiiskana sii joogo muddo dheeraad ah inta uu khamaari lahaa oo qaban lahaa doorasho degdeg ah oo aanu ogeyn guusheeda.

Xildhibaanada labada Aqal waxaa kaga baxay dedaal aad u dheer in ay noqdaan Xildhibaano, badankood waxaa uga baxay lacag aad u badan, Xildhibaanada labada Aqal badankood waxaa ka go’an in dib loo soo doorto ama ay xafiiska sii joogaan. Haddaba haddii dib loogu noqdo doorasho la mid ah tii 2016, waxaa hubaal ah in ay ku adag tahay in ay soo laabtaan, qaar kamid ah waxaa fursadda ka saaraya beelaha ay ka soo jeedaan oo aysan ka heli karin maadaama hab-qaybigooda hoose u diidayo, qaar ka kale ee ayba dhici karto in ay beelahooda ka helaan waxay og yihiin in dhaqaale badan uga baxayo, sidaas darteed waxay doonayaan in ay xafiiska sii joogaan muddo dheeraad ah oo ay isku dayaan in doorasho ay ku soo noqon karaan qabtaan, sida hadda qaarkood kuraastoodi ay u noqotey kuwo xawilaad ku jira, maalinba magaalo la geeyo.

Haddaba waxaa kulmey oo is waafaqaya doonitaanka Madaxweynaha iyo kan Xildhibaanada si kasta oo aragtidoodu isu diidan tahay.

Muddo kororsi la yaableh

Golaha Shacabka ayaa wada qorshe ah muddo kororsi, kaas oo gaaraya laba sano, qorshahan ayaa ka dhashey soo jeedintii guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Xaliima Ibraahim Ismaaciil, qorshaha cusub ee lagu wado in dhawaan laga doodo ayaa dhigaya in doorasho Xisbiyo ah dalka ay ka dhacdo sanadka 2022 Bartamihiisa, inta ka horeysana Goloyaasha dowladda oo wada dhan ay sii shaqeynayaan.

Qorshaha cusub ee ay la soo baxeen Mursal iyo Muudey ayaa waxaa ka soo horjeeda oo keliya raysalwasaare Xassan Cali Kheyre oo aan u arkin in ay wax dan ah ugu jirto, maadaama haddii qorshahan meel maro uu doonayo xoogagii fulin lahaa, ee ka hortegi lahaa mucaaradka, sida warar xog ogaal ah sheegayaan waxaa qorshahan wax ka wada hoggaamiyaasha qaar kamid ah Xisbiyada dalka laga diiwaan geliyey kuwaas oo mucaarad isugu yeera laakiin difaac u ah Madaxweynen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana kamid ah Cali Maxamed Geedi, sidoo kale qorshahan ayaa wax laga ogeysiiyey Imaamka guud ee beelaha Muddolood.

Sidee qorshahan ku fuli karaa

Siyaasadda doorashada Soomaaliya waxay dhex taalaa ilaa hadda awoodo kala geddisan,

  1. Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda
  2. Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka
  3. Dowlad goboleedyada
  4. Hoggaamiyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah
  5. Beesha Caalamka

Qorshaha muddo kororsiga haddii uu dhaco, waa adag tahay in Dowlad goboleedyadu ay wax ka qabtaan ama ay la yimaadaan awood ay kula loolamaan oo ay ku joojiyaan, haddii aysan la imaan midow dhexdooda ah, dib loo soo celin golohoo Iskaashiga ee Dowlad goboleedyada, waxaana awoodooda lagu tijaabinayaa shirka Dhuusamareeb.

Mucaaradka ku sugan Muqdisho iyo hoggaamiyaasha Xisbiyadu, malahan awood muuqata, awoodda ugu weyn ee ay ku tashanayaan ayaa ah in muddo kororsigu uu keenayo kacdoon dadweyne, haddii uu yimaado kacdoon dadweyne waxay hoggaamin karaan kacdoonkaas kaas oo sababi kara in muddo kororsigu halkaas ku banjaro, laakiin ay ka dhalato tallaabooyin aan dib loo xakameyn karin halisna gelin kara dowladnimada Soomaaliya.

Beesha Caalamku haddii ay ku sii jirto nidaamka ay hadda ku dhaqmeyso, waxba kama qaban karto in goloyaasha baarlamaanku ay samaystaan muddo kororsi, waxaana beddeli kara aamusnaantooda waa haddii uu dhaco kacdoon dadweyne oo mucaaradkuna hoggaamiyaan, sidoo kale beesha caalamku waxay cadaadis ku saari kartaa Dowladda Federaalka ah, in beesha Caalamku ay xoojiso xiriirka ay la leedahay Dowlad goboleedyada oo ay dib u soo celiso wax la mid ah Dual track qorshihii loogu yeeri jirey markii dalku ku jirey kumeel-gaarka.

Waxaa si weyn isha loogu hayaa shirka Dhuusamareeb ee Dowlad goboleedyada, haddii uu ka soo baxao qorshe loo arko in ay ku mideysan yihiin, waxay keeni kartaa in ay la timaado culeys siyaasadeed oo bareega u qaban kara tareenka muddo kororsiga ee hadda dib u soo laba kacleeyey.

Hussein Farah
Horseed Media