Ilhaan Cumar: Waxaa Magdhow la Siinayaa Soomaalida ay Sameeyeen Duqaymaha Maraykanka

Published: July 8, 2020

Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congresska dalka Maraykanka ayaa sheegtay inuu xafiiskeedu bilaabay sidii magdhow loogu aruurin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen duqaymaha Maraykanka ee gudaha Soomaaliya.

Ilhaan ayaa sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha saarneyn ay habeenkii oo keli ah ay howlgallada ka fuliyaan Soomaaliya, kuwaas oo mararka qaar ujeedka loogu talagalay ee ah la dagaallanka argigixisada maahee in ay dad shacab ah waxyeeleeyaan.

Waxay dalbatay in ay ka shaqeynayaan sidii arrintaas loo joojin lahaa, iyo in hadda ka dib, goobaha la bartilmaameedsanayo ay noqdaan meel si fiican loo soo hubiyay.

” Waxaa mag-dhow la siinayaa dadka noloshooda ay dhibaatada u geysteen diyaaradahaas, maadaama dowlad ahaan dadkaas loo dilay, sharciga caalamiga ahna uu qabo in haddii dowlad ay dowlad kale ka disho dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan, la siiyo magdhow” ayay tiri Ilhaan Cumar, oo u warantay laanta afka soomaaliga ee BBC.

Maamulka madaxweyne Trump wuxuu sameeyaa dagaal qarsoodi ah oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya, waxayna ciidankiisa adeegsadaan diyaaradaha aanu duuliyaha saarnayn ee drone-ka iyo askar si gaar ah u tababaran, waana arrin ay dad yar oo Mareykan ah ogyihiin.

Isha – BBC

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *