Madaxweyne Farmaajo Oo Bilad Sharaf Gudoonsiiyey Guddigii Qaban-qaabada Todobaadka Xoriyadda

Published: July 9, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay guddigii qabanqaabada xuska todobaadka xoriyadda iyo midnimada ee 60 guuradda.

Munaasabadan oo ka dhacday madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxa kasoo qaybgalay raisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Kuxigeenkiisa, wasiiro, saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa billad sharaf guddoonsiiyey wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, taas oo ay ku muteysteen kaalintii mugga lahayd ee ay ka qaateen ololaha Isxilqaan iyo qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in lasii dardargalinayo ololaha isxilqaan si loo dhamaystiro goobaha haatan uu dhismahoodu socdo, loona bilaabo mashaariic cusub.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment