Muqdisho: Bixinta Baasaboorka oo Dib Loo Bilaabayo

Published: July 11, 2020

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda federaalka ee Somaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay,July 12, 2020, dib loo bilaabi doonto howlihii bixinta Baasaboorka.

Qoraal ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay in iyadoo laga taxadarayo waxyeelada caabuqa COVID-19 ay Hay’addu soo saartay hab cusub oo laga doonayo muwaadiniintu in ay raacaan, wuxuuna noqonayaa sida soo socota:

  • Xaruun kasta oo baasaboorka laga bixiyo waxay qaabili doontaa kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray (50%).
  • Muwaadin walba oo imaanaya Xarumaha bixinta Baasaboorka waxaa laga doonayaa in uu xiranaado Af-xir (MASK) iyo Gacmo-gashi (Gloves) marka uu soo galayo xaruunta iyo inta uu gudaheeda ku jiro.
  • Qof kasta waa inuu ilaaliyaa masaafada kala fogaanshaha ( Social Distance) iyadoo qof walba laga doonayo in uu istaago barta loo calaamadeeyay ama loo tilmaamey.

Dhanica kale, Hay’adda Socdaalku waxay sheegtay in muwaadiniinta Somaliyeed ee ku nool caasimadda Muqdisho loo Diyaariyay labada xaruumood ee baasaboorka laga bixiyo oo mid waliba qaabili doonto codsiyada muwaadiniinta degan degmooyinka Muqdisho

1:-XARUNTA CABDICASIIS (Dhismaha Wasaaradda Kalluumeysiga): waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 8- Degmo oo kala ah: -Cabdicasiis, KAARAAN, HILIWAA, SHIBIS, SHANGAANI, BOONDHEERE, XAMARWEYNE, YAAQSHIID.

2:- XARUNTA HODON (Guriga Shaqaalaha):- waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 9-Degmo oo kala ah : -HODON, WAABARI, WARTA-NABADA, WADAJIR, KAXDA, DEYNIILE, HOWLWADAAG, XAMAR JAJAB, DHARKEYNLEEY.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *