Maareeyihii Hay’adda Isgaarsiinta Soomaaliya Oo Iscasilay

Published: July 16, 2020

Maareeyihii guud ee hay’adda isgaarsiinta Soomaaliya, Cabdi Shiikh Axmed ayaa iska casilay xilkaas, sida uu ku cadeeyey warqad uu soo saaray.

Maareeyaha ayaa iscasilaadiisa u cuskaday lix qodob oo ay ka mid tahay kala aragti duwanaashiyo ku yimid isaga iyo wasiir isgaarsiinta Cabdi Canshuur.

Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa hadda xilkaasi si kumeel gaar ah ugu magacaabay maareeye ku xigeenkii hay’addaasi Cabdullaahi Shiikh Cabdicasiis.

Maareeyaha xilka ka tegay Cabdi Shiikh Axmed ayaa waxa uu qoray warqadda is-casilaadda ah ee uu shaqada uga tegay 14-kii, Luuliyo,2020-ka.

Hoos akhriso warqaddaha:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Bismilahi Raxmani Raxim

    Maareyaha iscasilay wuxuu sheegay arin muhim ah oo xambaarsan wadanimo.

    Taaso uu sheegay in sharciga lagu tumanayo dahan shaqsi darteed malayiin dalku leeyahayna la luminayo.
    Wax ka run ah se ma naqaan.

    Waxay u baahan yahay maasuulinta dowladda in ay arinta dhexe Galan.

    Si loo hubiyo waxa uu maareyuhu sheegay