Sudan: Mudahaarad Looga Soo Horjeedo Khamriga iyo in laga Baxo Diinta

Published: July 18, 2020

Magaalada Kartuum ee wadanka Suudaan waxaa ka socda Mudaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeedo isbedelada ay xukuumadda Suudaan ku samaysay sharciyada mamnuucayay cabista khamriga iyo qofka uu diintiisa ka baxo.

Xukuumadda Suudaan ayaa Sabtidii hore ogolaatay in dadka aan muslimka ahayn ay cabsi karaan khamriga, waxay kaloo baabiisay sharci dhigayey in la dilo qofka diinta islaamka.

Banaanbaxyada oo bilowday Saladii jimacaha ee shalay kadib ayaa dadku ku dhawaaqayay ereyo lidi ku ah xukuumadda kumeel gaarka ah ee Suudaan

” Cidna ma bedeli karto sharciga ilaahay” Sidaas waxaa ku dhawaaqayay qaar ka mid ah banaanbaxyada oo boorar sita. ” Khartuum ma aha Newyork’ hal ku dhig kale oo bannaabaxyaashu ay ku dhawaqayeen.

Wadanka Suudaan oo dadka ku nool ay yihiin Muslimiin ayaa sidoo kale waxaa ku nool dad aan muslim ahayn oo tiradoodu ay yar tahay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *