LIBYA: Dagaalka Sirte & Ruushka oo diyaarado ku xoojiyey Haftar

Published: July 19, 2020

In ka badan 200 tikniko ah oo ay leedahay dowlada Caalamka Aqoonsan yahay ee Liibiya ayaa gaaray duleedka magaalada Sirte oo ay gacanta ku hayaan ciidamada ka amar qaata Gen.Khalifa Haftar.

Dowlada Liibiya ayaa bilihii lasoo dhaafay dib u qabsatay deegaano badan isla markaana soo afjartay duulaankii 14ka bilood socday ee Haftar doonayey inuu ku qabsado caasimada Tripoli.

Xukuumada Tripoli oo gacan militari ka helaysa Turkiga ayaa hada dooneysa inay la wareegto magaalada Sirte iyo saldhig ciidanka cirka ku leeyahay Jufra oo muhiim u ah maadaama ay ku yaalaan nawaaxiga goobaha laga soo saaro Batroolka dalkaasi, balse dagaal ka dhaca Sirte ayaa laga cabsi qabaa inuu dhaliyo khasaaro badan.

Hanjabaada Ruushka iyo Masar

Maraykanka ayaa sheegay in ay hayaan xog sheegaysa in Ruushka uu diyaarado usoo diray dalka Liibiya si ay gacan u siiyaan Khalifa Haftar oo ay taageeraan, diyaaradahan oo la sheegay inay ku sugan yihiin Madaarka Militariga ee Jufra oo ku yaal duleedka magaalada Sirte.

Dowlada Masar oo kamid ah wadamada taageera Khalifa Haftar ayaa sheegtay inay iyaduna ciidamadeeda soo geli doonaan Liibiya hadii Haftar laga qabsado Sirte.

Khalifa Haftar oo taageerada ka hela Masar, Imaaraatiga, Ruushka iyo France, ayaa hada maamula inta badan gobalada bari ee wadanka Liibiya, waxaana weli gacantiisa ku jira xarumaha ugu muhiimsan ee laga soo saaro batroolka.

Cunaqabateynta EU-da

Midowga Yurub ayaa Sabtidii shalay sheegay inay cunaqabateyn kusoo rogi doonaan wadamada shisheeye ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Liibiya kuwaasi oo lagu eedeeyey inay jabiyeen cunaqabateyntii hubka ee dalkaasi la saaray.

Dalalka Germany, France iyo Italy ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in cunaqabateyn la saaro wadamada hubka ku daabulaya dagaalka ka socda Liibiya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Alle ha u sahlo dhiig islaam uun baa meesha ku daadanayaa, inta dhimaneysaa waa Liibiyaan, Alle dantooda ha garan siiyo.