Trump oo diiday inuu aqbali doono Natiijada Doorashada November?

Published: July 20, 2020

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee Maraykanka oo xil haya oo diida inuu sii sheego inuu aqbali doono Natiijada Doorashada Madaxweynaha oo dhaceysa bisha November.

Trump oo wareysi siinayey telefishinka Fox Axadii shalay ayaa la weydiiyey inuu aqbali doono natiijada hadii uu doorashada Madaxweynaha uga guuleysto ninka la tartamaya ee xisbiga Dimuquraadiga Joe Biden.

“I have to see. Look … I have to see,”

“No, I’m not going to just say yes. I’m not going to say no, and I didn’t last time either.”

“Waa inaan horta eego!…Maya ma dhihi doono HAA (waan aqbalayaa), mana dhihi doono MAYA (waan diidayaa)…doorashadii horeba sidaa ma sameyn…” ayuu yiri Madaxweynaha Maraykanka.

Hadalada Trump ayaa kusoo beegmayo xili la saadaalinayo in Murashaxa Dimuquraadiga Joe Biden uu dhanka taageerada uga horeeyo Madaxweynaha xilka haya tani oo walaac weyn ku heysa xisbi xaakimka Jamhuuriga.

Xafiiska Joe Biden oo ka jawaabaya diidmada Donald Trump ayaa sheegay in Dalka Maraykanka uu shuruuc leeyahay, isla markaana ay Shacabka dooran doonaan Madaxweynahooda, cidii isku dhajisa Aqalka Cad in banaanka looga tuuri doono.

Donald Trump ayey taageeradiisa hoos usii dhaceysay tan iyo horaantii sanadkan, waxayna dad badan ku dhaliilayaan qaabkii uu u wajahay kahor taga cudurka Covid19 oo xiligan faro-ba’an ku haya dalka Maraykanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *