Dowlada Soomaaliya Oo $500,000 Ku Bixinaysa Gurmadka Fatahaadda Afgooye

Published: July 22, 2020

Raisul wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa amray wasaaradda maaliyadda Soomaaliya inay si deg deg ah u bixiso $500,000 oo doolar oo loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha Webiga Shabeelle ee degmada Afgooye.

Amarkan ayaa yimid kadib markii ay kulmeen ra’iisul wasaare Khayre iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyagoo ka wada hadlayay xal u helidda fatahaada Afgooye.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan lagu bixinayo lacagta si loogu guuleysto qorshaha naf-badbaadinta ah iyo u gurmashada kumannaanka qoys ee daadadku saameeyeen.

Fatahaada Webiga Shabeelle ayaa barakicisay qoysas gaaraya ilaa 2000 oo qoys kuwaas oo ku noola Degmada Afgooye iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *