Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Sabtida ka doodaya doorashada 2020/21!

Published: July 24, 2020

Waxaa maalinta Sabtida la qorsheynayaa in ay kulan isugu yimaadaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda federaaliga ah ee Soomaaliya. Kulankan ayaa ah mid ka duwan kuwii hore waxaana ajanduhu yahay oo keliya doorashada 2020/21, sida Horseed Media ka ogaatey qaar ka tirsan Xildhibaanada baarlamaanka.

Kulankan deg-deg ah ayaa yimid kadib markii kulamo gaar gaar ah ay yeesheen xildhibaanada xiriirka gaarka ah la leh Villa Somalia. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmey koox kooban oo ka tirsan Xildhibaanada, waxaana uu warbixin ka siiyey shirkii Dhuusamareeb iyo wixii ka soo baxay.

Marka la eego khudbaddii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyey Dhuusamareeb, waxa uu doonaayey in khilaafka uu ka dhigo mid u dhexeeya Golaha Shacabka iyo Dowlad goboleedyada, cidda sharciyada dejisaa waa Baarlamaanka ayuu yiri, wixii aan isku ogeyna iyaga ayaan dib ugu celin.

Sida wararku sheegayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa diidan gebi ahaanba in Dowlad goboleedyadu awood ku yeeshaan doorashada soo socota, sida ay u dhacayso iyo cidda go’aankeeda iska leh, waxaana ay doonayaan in ay iyagu hoggaamiyaan doorashada Federaalka, laguna galo sharcigii ay sida degdeg ah ku ansixiyeen iyada oo Aqalka Sare ay isku khilaafeen oo qayb ka ahaa sharciga.

Wararku waxay sheegayaan in Xildhibaanadu ka doodi doonaan soo jeedintii Guddiga Doorashooyinka ee ay ku dalabadeen muddada ay doorasho ku qaban karaan. Shirguddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaan qayb ka ahayn shirarkii ka socdey Dhuusamareeb, waxaana ay iska sii wateen shirarkooda iyo dejinta shuruucda, waxaana ay iska dhigayeen in aysanba khuseyn waxa Dhusuamareeb ka socda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *