Madaxweyne Farmaajo oo magacaabey Raysalwasaare kumeel-gaar ah

Published: July 25, 2020

Wareegto ka soo baxdey Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu magacaabey raysalwasaare kumneel-gaar ah, wareegtada Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u igmaday Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaar ah.

Wareegtada ayaa lagu sheegey in Mahdi uu yahay saacaddan laga bilaabo raysalwasaare kumeel-gaar ah.

Laga bilaabo faafintan, sida uu qabo Dastuurka Kumeel-gaarka ah waxa uu Kusime Ra’iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) awood u yeelanayaa hagidda hawlaha xukuumadda inta laga soo buuxinayo xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Villa Somalia

Arrintan oo ah mid aan horey u dhici jirin ayaa la is weydiinayaa waxa looga hortagaya sida degdega ah, iyada oo goordhaweyd Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre ka degey magaalada Muqdisho.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *