Wasiir Isloow Oo Sharci-darro Ku Tilmaamay Go’aankii Golaha Shacabka

Published: July 25, 2020

Wasiirka Amniga Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow Ducaalle ayaa si kulul uga soo horjeestay go’aanka ay xildhibaannada golaha shacabka codka kalsoonida kala noqdeen xukuumadda uu isagu ka tirsan yahay ee uu hogaamiyo ra’iisul-wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wasiir Isloow ayaa sheegay in maanta kulanka ajandihiisu ahaa in laga doodo doorashooyinka dalka balse ay guddoonku diideen in sharcigaas laga doodo isla markaana ay lasoo baxeen ajande kale oo aan sharci ahayn.

” Iyadoo xukuumada mooshin laga keenin oo aan wax caddayn lagu haynin oo xukuumada marka la eedeeyo ay isdifaacin inuu yiraahdo gudoomiyihu waa dhacday, waxaan u aragnaa inuu qaran dumis yahay ” ayuu yiri wasiir Isloow.

Wuxuuna intaasi raaciyey xildhibaano doonaya muddo kororsi inay maanta carqaladeeyeen kulankii xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *