Maraykanka oo qoraal adag ka soo saarey Xilkaqaadistii Raysalwasaare Kheyre

Published: July 26, 2020

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo war ka soo saartey xaaladda siyaasadeed ee dalka kadib Golaha Shacabku codka kalsoonida u qaadeen xukuumadda oo ay rideen, ayaa sheegtey in ay aad uga xun tahayw axa dhacay oo walaac ka qabto isbeddelka degdeg ah taasoo sii kordhineysa xiisadda siyaasadeed, waxayna wiiqeysaa ayey yiraahdeen habsami u socodka wadahadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah.

Hannaankaan siyaasadeed ee aan joogtada aheyn waa dib u dhac ku yimid ajandaha dib u habeynta ee ay Soomaaliya ku dooneysay taageerada Mareykanka ayaa lagu yiri warbixinta maraykanka ka soo abxdey.

Deganaanshaha Soomaaliya, xasilloonida, iyo barwaaqada waxaa lagu dhisi karaa oo keliya iskaashi, isuduwid, iyo isu tanaasulidda hoggaamiyeyaasha Soomaaliya; haddii shaqsi ama hay’ad doonto inay xukumaan kuwa kale, waxay dhaawaceysaa xasilloonida dalka oo dhan.

Safaaradda Mareykanka ayaa adkeysey in dariiqa kaliya ee loo maro doorashada ay tahay mid waqtigii loogu talagalay ku dhacdoa, ku timaada wada tashi ballaaran oo dhexmara daneeyayaasha. Hirgelinta qaab doorasho oo laga wada shaqeeyey, oo la aqbali karo oo muhiim ah ayaa fure u ah dhowrista amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka waxay ku boorisey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha xubinta ka ah federaalka, baarlamaanka, iyo dhinacyada kale in ay sii wadaan wada shaqeynta si loo meel mariyo heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb.

Safaaradda Mareykanka ayaa ugu danbeyn ugu baaqeydey dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, hay’adaha, iyo daneeyayaasha inay ka shaqeeyaan danaha ugu wanaagsan ee waddankooda halkii ay ka raadin lahaayeen danaha shaqsiyadooda, inay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan dhisiddais fahamka iyo wada shaqeynta.

Maraykanka ayaa ku hanjabey in ay tallaabo ka qaadi doonaan kuwo ay ugu yeereen qaswadayaal iyo cidkasta oo carqaleysa xasiloonida dalka iyo nabadda.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Soomaaliya soomaali baa leh.
    Safaaradaha shisheeye, gaar ahaan kuwa qarbiga, waxaad moodaa inay dalkeenna gumeyste ahaan ku joogaan, oo safiir waliba wuxuu dawladdeenna iyo dadkeenaba ula dhaqmaa, sidii “Colonial Governer” ula dhaqmi jiray dadkayaga gumaysiga hoos joogay.
    Inay maanta sidaa waly dawladdeenn iyo shacabkeenna ula dhaqmaanna waxaa masuul ka ah, dhaqan xumada iyo waddaniyad xumada masuuliyiinta maanta ee dalkeenna, kuwaas oo aanay bulshada sharafta leh ee soomaaliyeed soo dooran balse, mid walba ay dawlad shisheeye soo maal gashatay, si dhego nugayl ahna uu uga shaqeeyo danoheeda, isaga oo aanay innaba qalbigiisa ku jirin, feker waddaninimo.

    Wixii madaxdeenna iyo dawladdeenna ka qaldan, masuul waxaa ka ah, innaga bulshada soomaaliyeed.
    In safiirro shisheeye, madaxdeenna , shaqadooda iyo masuuliyadda ay dalkeenna u’ hayaan, safiir shisheeye u’ yeeriyaana, waa gaf iyo ilhaano magaca soomaaliyeed iyo dawladnimadeenna shisheeyuhu u’ gaysanayo.

    Nasiib darro, madaxda annaan dooran, balse lasoo maalgashaday, iyo inteenna kale oo u’ sacabo tumaysa ayaa goobtaa xun dhigaya qarannimadeenna.

    Walaalayaalo, an ka gudubno, in labadii masuul ee aragti isku qabataaba, dawlado shisheeye isku dacweeyaan, qarannimada iyo gobanimada dalkeenna iyo dadkeennana meel uga dhacaan.

    Soomaaliya ha noolaato!!!