Israel oo walaac ka muujisay dhaq dhaqaaqa Xisbulallah

Published: July 28, 2020

Ciidamada Israel ayaa duqeyn la beegsaday koonfurta dalka Lubnaan, kadib markii ay xoogaga Xisbulallah damceen inay soogalaan dhulka ay Israel maamusho waa sida uu sheegay Rw.Benjemin Netanyahu iyo Wasiirkiisa Gaashaandhiga.

Duqeyntan dhacday Isniintii shalay ayaa waxaa la sheegay inaysan ka dhalan khasaare badan, walow uu burbur soo gaaray guryo shacab leeyahay oo ay ku dhaceen madaafiicda Israel ku tuurtay Lubnaan.

Balse Kooxda Shiicada ah Xisbulallah ayaa beenisay eedeynta Israel, iyagoo sheegay in Yuhuudu ay cabsi badan yihiin, waxayna ku goodiyeen inay soo wadaan jawaab ku socota Israel.

Xiisadan ayaa soo cusboonaatay kadib markii la sheegay in Israel weerar gantaal ay ka geysatay gudaha dalka Siiriya 20kii bishan July, lagu dilay mid kamid ah saraakiisha sare ee Xisbulallah oo lagu magacaabo Ali Kamil Mohsen oo xiligaas ku sugnaa duleedka caasimada Siiriya ee Dimishiq.

Xisbulallah ayaa ku goodineysay inay ka aarsan doonto Israel.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *