Mahdi Guuleed Oo Booqday Dekeda Muqdisho

Published: July 28, 2020

Sii-hayaha raysal wasaaraha ahna raysal wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta Kormeeray dekeda weyn ee magaalada Muqdisho.

Ujeedka kormeerka oo ahaa dar dargalinta howlaha lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka ayaa waxaa ku wehliyey wasiirka maaliyadda dowlada federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Bayle, wasiirka dekedaha iyo gadiidka badda Marwo Maryan Aweys Jaamac iyo masuuliyiin kale.

Ilaa iyo markii Mahdi Guuleed loo magacaabay sii-hayaha raysal wasaaraha dalka waa kormeerkii ugu horeeyey ee uu ku tago dekeda Muqdisho oo kamid ah ilaha ugu weyn ee ay dowladu ka hesho dhaqaalaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *